Ganacsatada ku nool aagga Lolgorian ee koonfurta Trans Mara ,ismaamulka Narok ayaa tirinaya khasaare xooggan ka dib markii dab uu burburiyay ganacsigooda.
Ganacsatada ayaa sheegaya in dabkii xalay ka kacay hotel ka agdhawaa xarrumaha ganacsiga uu degdeg ah ugu faafay dukaamada u dhow, oo ay ku jiraan dukaamada dharka, goobaha taleefannada gacanta iyo ganacsiyada elektaroonigga ah, iyo kuwo kale.
Waxay intaa ku dareen in inkastoo ay ku guuleysteen inay damiyaan dabka iyagoo kaashanaya saraakiisha amniga ee goobta gaaray, haddana aysan jirin hanti u badbaaday.
Ganacsatada ayaa dowladda waxaa ay ka codsanayaan in ay u soo gargaaraan maadaama ay la kulmeen khasaare.
Booliiska ayaa dhankoodu sheegay in dhacdadan ay ku wadaan baaritaan.




