Waxaa maanta oo isniin ah dib loo bilaabi doona dacwad ku saabsan xil ka qaadistii lagu sameeyay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ahna hoggaamiyaha xisbiga (DCP) Rigathi Gachagua .
Waxaa uu ka soo horjeedaa tallaabadii horay xilka madaxweyne ku xigeenka waddanka looga xayuubiyey.
Gachagua ayaa ku doodaya in xil ka qaadistiisi ay ahayd sharci darro sidoo kalena ay jireen khaladaad dhanka dastuurka ah.
Waxaa uuna sheegay in uu uruuriyey caddeyn culus oo muujinaysa in xilka looga qaaday qaab siyaasadeysan dastuurkana lagu xadgudbay.
Waxaa uu caddeeyay in kooxda qareennada ah ee isaga matalaya ay toddobaad gudigiisa maxkamadda u gudbin doonaan dacwad.




