Guddiga Anshaxa iyo La dagaalanka Musuqmaasuq ee EACC ayaa difaacay sida ay u maareeyeen baaritaannada ku saabsan lacagihii Yuurobond ee muranka dhaliyay ee 2014/2015, iyagoo diiday eedeymaha uu gudbiyay Senatarka dowlad deegaanka Busia Okiya Omtatah ee ku saabsan in lacag aad u badan la lunsaday ama aan la xisaabin.
Qoraal dhaar ah oo maxkamadda loo gudbiyay Jemimah Githungu oo ah dambi baaraha kiiskan ayaa sheegay in guddiga uu sameeyay baaritaan ballaaran oo ku saabsan eedeymaha la xiriira si xun u maamulidda ku dhowaad 250 bilyan oo shillinka dalka ah.
Baaritaannada ayaa lagu sheegay in la wareystay 56 sarkaal oo ka kala tirsan hay’ado ay ka mid yihiin Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ee CBK, iyadoo sidoo kale la eegay dukumentiyo la xiriira habka deynta loo bixiyay. EACC ayaa sheegtay in lacagta Yuurobond markii hore lagu hayay xisaabaad dibadda ah oo ku yaalla magaalada New York ee Mareykanka, ka hor inta aan loo wareejin Wasaaradda Maaliyadda.
Guddiga ayaa sheegay in nidaamka deynta uu maray habraac sharci ah, isla markaana lacagta ka soo hartay bixinta deymaha dibadda lagu wareejiyay khasnadda dhexe. EACC ayaa sidoo kale ku adkaysatay in kiiskaas hore loogu gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kaas oo markii dambe go’aamiyay in la xiro baaritaanka, iyadoo guddiga uu ku tilmaamay eedeymaha Omtatah kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo marin habaabin ah.




