Hay’adda Nidaaminta Tamarta iyo Batroolka ee EPRA ayaa la filayaa inay maanta ku dhawaaqdo qiimaha cusub ee shidaalka, iyadoo dib u eegistan ay ku soo beegmayso xilli uu jiro muran ka taagan suuqa shidaalka gudaha iyo xiisado sii xoogeysanaya oo ka jira Bariga Dhexe.
Dib u habeynta qiimaha ayaa imaneysa ka dib toddobaadyo uu jiray jahwareer ka taagnaa waaxda tamarta ee dalka, ka dib markii muran ku saabsan shixnad shidaal uu horseeday xarig iyo is casilaad lagu sameeyay saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Tamarta iyo hay’ado la shaqeeya.
Arrintan ayaa keentay in kalsoonida lagu qabo nidaamka shidaalka ay hoos u dhacdo, iyadoo la soo jeedinayo walaacyo ku saabsan kormeerka, hufnaanta, iyo sugnaanta sahayda shidaalka. Xilli isla markaana suuqyada shidaalka caalamka ay saameyn ku yeelatay xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa Iiraan Mareykanka.
Xiisaddan ayaa saameyn ku yeelatay marinka istaraatiijiga ah ee Hormuuz, oo ah marin muhiim u ah gaadiidka shidaalka caalamka, taasoo kordhisay cabsi ku saabsan carqalad ku timaadda sahayda tamarta.
Dhinaca kale, darawallada iyo ganacsatada ayaa ka walaacsan suurtagalnimada koror ku yimaada qiimaha shidaalka, taasoo saameyn ku yeelan karta dhaqaalaha guud, gaar ahaan kharashaadka gaadiidka iyo qiimaha badeecadaha. Sidoo kale, muranka socda ee la xiriira shixnadaha shidaalka ayaa sii huriyay baaqyada lagu dalbanayo isla xisaabtan iyo dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka soo dejinta shidaalka.




