Booliska Homa Bay ayaa baaraya geerida sarkaal ka tirsan ciidamada asluubta oo meydkiisa la helay saacado yar ka dib markii uu soo baxay amar ku saabsan in meel kale loo wareejinayo.
Dable Ronald Bernard Ochieng, oo ka ahwlgalayay Xabsiga maxaabiista ee Homa Bay ayaa la sheegay inuu isdilay.
Meydkiisa waxaa laga helay isagoo ka laadlaadsan saqafka gurigiisa .
Dhacdadu waxay timid wax yar ka dib markii la siiyay amar ku saabsan inuu iska xaadiriyo Xabsiga maxaabiista ee Siaya oo ah wareejin la sheegay inuu iska diiday.
Waxaa la sheegay in markii dambe, uu soo wacay hooyadiis, isagoo muujiyay niyad jab ku saabsan wareejinta ka hor inta uusan damin taleefankiisa.
Sarkaalka Baarista Dembiyada ee a Homa Bay, Peter Kimulwo, ayaa xaqiijiyay in Ochieng uu muujiyay diidmo uu ku doonayo in aan loo wareejin xabsi kale.
Home Wararka Kenya Booliiska oo baaraya geerida askari ka tirsanaa ciidamada asluubta ismaamulka Homa Bay




