Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiirro iyo Xildhibaanno uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo.
Waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Guduud ku soo dhoweeyey hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, Odayaasha dhaqanka iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Soomaaliya oo garoonka kula hadlay mas’uuliyiinta iyo bulshada soo dhoweysay ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen.
Waxaa uu sheegay in inta uu ku sugan yahay Magaalada Baydhabo ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan maamulka iyo qeybaha bulshada deegaannada Koonfur Galbeed.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tilmaamay in dhowaan deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka dhici doonto doorasho ay ku qanacsan yihiin dadka reer Koonfur Galbeed, si loo soo dhiso maamul ka shaqeyn doona adeegyada dowladnimo ee ay xaqa u leeyihiin shacabka.




