Ciidamada ilaallada kacaanka islaamiga ee Iiraan ayaa sheegay in marinka Hormuuz uu ku furan yahay maraakiibta rayidka.
Waxay bayaan ku xuseen in maraakiibta militari ee halkaasi adeegsada loola dhaqmi doono sida ay mudan yihiin.
Dhanka kale ,Ilaalada Kacaanka Islaamiga ee dalka Iiraan ee IRGC ayaa ka digay in tallaabo kasta oo si khaldan loo xisaabiyo ay cadowga ku ridi doonta dabeylo kulul oo dhimasho ah.
Taliska ciidamada badda ee IRGC ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay in ciidamada amniga Iiraan ay marinka Hormuuz si buuxda u maamulaan.
Digniinta ciidamada IRGC ayaa ku soo aadeysa ka dib markii Donald Trump uu amray in ciidamada badda ee Maraykanka ay xiraan marinka muhiimka ah ee Hormuuz, kaas oo ay ka gudubto boqolkiiba 20 ee saliidda adduunka.




