Wasiirro iyo xildhibaanno cusub oo lagu hor dhaariyey guddiga joogtada ee BFS

0
176

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyey kulanka aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.
Ugu horreyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada warbixin ka siiyey safar uu ku tagay Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isbedelkii dhowaan ka dhacay dowlad goboleedka iyo sidoo kale dadaalada dowladda ee ku aadan doorashada hogaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Intaasi ka dib Habdhowraha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyey Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo si rasmi ah uga mid noqday Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarrinta Dhaqaalaha Ismaaciil Ciid Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xasan Maxamed Cali iyo sidoo kale Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Nadiifo Aadan Isaaq.