Kenya ayaa ka mid noqotay dalalka lagu diiwaangeliyay koror xooggan oo ku yimid sugnaan la’aanta cuntada daran sanadkii dhammaaday ee 2025-kii, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay taageertay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ee FAO.
Warbixinta ayaa sheegtay in dadka ku jira heerka IPC Phase 3 ama ka sii daran ay kordheen boqolkiiba 46, taas oo u dhiganta ku dhowaad 900 oo kun oo qof oo dheeraad ah. Ilaa bishii Maarso ee sanadkan, qiyaastii 3.3 milyan oo qof oo Kenyaan ah ayaa wajahaya cunto yari daran, gaar ahaan deegaannada oomanaha iyo kuwa u nugul abaaraha.
Sidoo kale, 400,000 oo qof ayaa ku jira xaaladda degdegga ah ee IPC Phase 4, kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah oo naf badbaadin ah. FAO ayaa ka digtay in tiradan ay kordhi karto ilaa boqolkiiba 31 dhammaadka sanadka haddii xaaladda ay sii xumaato.
Warbixinta ayaa Kenya ku dartay dalal ay ka mid yihiin Myanmar, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, iyo Suudaanta Koonfureed oo dhammaantood wajahaya kororka ugu weyn ee gaajada caalamka, iyadoo lala xiriirinayo abaaro, colaado, iyo kor u kaca qiimaha cuntada.




