Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC ayaa soo xushay 36 musharax oo u tartami doona afarta jagooyin ee ka banaan xisbiga .
Ogaysiis uu soo saaray gudiga IEBC ka dib ayay isa soo bixiyeen musharaxiinta u hanqal taagaysa inay buuxiyaan xubnaha ka banaan ee IEBC.
Kuwa liiska lagu soo daray waxaa looga baahan doonaa inay dib uqaataan tijaabada cilmu-nafsiga- taas oo tijaabinaysa garashada maskaxeed- ee qofka.
30-ka bishan Juun ayaa tijabao lagu sameyn doona saraakiisha doonaysa shaqada gudiga doorashooyiinka.
30-ka bisha juune saacadu marka ay tahay 11-ka barqanimo ayaa laga doonaya codsadayaasha jagooyiinka ka banaan IEBC inay xaadir ku ahaadaan Xarunta Shirarka Caalamiga ee Kenyatta.
Ugu yaraan 127 musharrax oo codsaday jagooyinka la doonayo in laga buuxiyo IEBC waxay leeyihiin shahaadada Doctor of Philosophy ee(PhD).
Dr. Salim Ndemo, oo ahaa arday ka qalin jabiyay Jaamacada Washington oo toddobo sano gudoomiye ka ahaa xafiiska adeega bulshada ilaa iyo sanadkii 2009-kii , iyo wasiirka wasaaradda deegaanka ee dalka Keriako Tobiko walaashiis Naisiae Tobiko ayaa ka mid ah dadka liiska ku soo baxay ee doonaya jagada IEBC.
Naisiae hadda waxay ka shaqeysaa Maamulka Doorashada ee gudiga madaxa banaan ee IEBC.