DHEGEYESO:Guddoomiyaha naafada ee Garissa oo ka tacsiyadeeyay geeridii Dubat Cali Camey

0
106

Guddoomiyaha ururka ay ku mideysan yihiin dadka qabo baahiyaha gaarka ah ee ismaamulka Garissa , Aadan Bile Xasan oo la hadlay warbaahinta Star ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii shalay galab ku timid Alle ha u naxariistee Dubat Cali Camey oo ka mid ahaa waxgaradka gobolka Waqooyi Bari.

Waxaa tacsi tani la mid ah diray Guddoomiyaha guddiga nabadda ee Shanta Abaq ee ismaamulka Garissa Rashiid Gaarane.

Dubat Cali Camey ayaa lagu xusuusan doonaa in isagoo adeegsanaya luuqado kala duwan uu si geesinnimo leh uga hadli jiray arrimaha taabanaya dalka , gobolka Waqooyi Bari iyo soomaalida.
Waxaa uu ahaa waxgarad goobjoog u ahaa oo taariikh badan ka hayey gaboodfalladii ka dhacay gobolka sida xasuuqii la magacbaxay Gaarisa Gubaay.
Alle ha u naxariistee, Dubat Cali Camey oo door wayn ka qaadan jiray arrimaha nabadda ayaa sidoo kale codkiisa ku biirin jiray taakuleynta qoysaska taabaaleysan ee ay idaacaddu soo gudbiso.
Wakiil wareedka warbaahinta Star ee deegaannada Dadaab iyo Fafi ee ismaamulka Garissa , Maxamad Baaruud Xuseen ayaa ka warramaya waxyaabaha uu ku xasuusto Dubat Cali Camey oo shalay galab ku geeriyooday saakana lagu aasay Nairobi.

Waxaa uu sidoo kale dadaal gelin jiray inuu u tacsiyadeeyo dadka geeriyooda.
Mar kale,maamulka idaacadda Star FM iyo dhammaan howlwadeennadeeda waxay ka tacsiyadeynayaan geeridii ku timid caaqil Dubat Cali Camey waxaana leenahay ilaahey dambigiisa ha dhaafo, qabriga ha u waasiciyo , ha ka badbaadiyo cadaabul qabriga, jannatul firdowsa ha ku abaal mariyo,kitaabkiisa midigta ha ka siiyo intii uu ka tagayna samir iyo iimaan dheeraad ah ha ugu deeqo.