Hay’adda Hawada Sare ee (KSA) ayaa Sabtidii ku dhawaaqday in si guul leh hawada sare loogu diray qalab lagu magacaabo Climate Camera (ClimCam), kaas oo loo waday Saldhigga Hawada Sare ee Caalamiga ah (ISS). Qalabkan oo leh awood farsamo oo ku shaqeysa garaadka macmalka ah ayaa loogu talagalay inuu bixiyo xog ku dhow waqtiga dhabta ah oo la xiriirta cimilada iyo isbeddelkeeda.
Hay’adda ayaa sheegtay in ClimCam uu kaalin weyn ka qaadan doono maaraynta kheyraadka dabiiciga ah, kormeerka deegaanka, maaraynta musiibooyinka iyo xoojinta u adkeysiga isbeddelka cimilada ee Bariga Afrika. Sidoo kale, xogta uu soo saaro ayaa ka caawin doonta hay’adaha go’aan qaadashada inay si degdeg ah uga falceliyaan xaaladaha degdegga ah.
Mashruucan ayaa sidoo kale muujinaya iskaashi heer qaaradeed ah, iyadoo ay ka qeyb qaateen Hay’adda Hawada Sare ee Kenya, Hay’adda Hawada Sare ee Masar iyo Barnaamijka Qaranka Hawada Sare ee Uganda. Isku darka khibradaha dhinacyada injineernimada hawada sare, kormeerka dhulka, garaadka macmalka ah iyo falanqaynta xogta ayaa muujinaysa awoodda sii kordheysa ee Afrika ee horumarinta teknoolojiyadda casriga ah.
ClimCam ayaa waxaa loo diray Saldhigga ISS iyadoo la raacayo dayax gacmeedka xamuulka qaada ee Cygnus XL (NG-24), kaas oo ka kacay saldhigga Cape Canaveral ee gobolka Florida ee dalka Maraykanka, isagoo saarnaa gantaalka Falcon 9. Howlgalkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee adeegsiga teknoolojiyadda hawada sare, iyadoo la filayo in qalabkan uu si rasmi ah ugu xirmo saldhigga ISS 13-ka bishan oo berrito ku beeggan.




