Booliska oo xabsiga ku haya nin walaashiis faraxumeeyay

0
606

Nin 30 sano jir ah ayaa lagu hayaa saldhiga booliska ee Bondo ismamaulka Siaya ka dib markii la qabtay isaga oo lagu eedeeyay in uu faraxumeeyay gabadh yar oo ay walaalo yihiin taas oo 9 sano jir ah ahayd.
Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Lucas Wata ayaa waxaa ka carooday xubno ka tirsan qoyskiisa kuwaas oo ku wargaliyay laamaha ammaanka ee saldhiga ugu dhawaa.
Sida laga soo xigtay ku simaha gudoomiye xaafadeedka Central Sakwa Mr. William Oreme, ayaa xaqiijiyay in eedeysanaha uu gabadha yar oo dhigaynaysay dugsiga hoose dhaxe uu faraxumeyn kula kacay.
Waxaa uu sido kale ku eedeysan yahay inuu jir dil u gaystay gabadha yar.
Gaabdhan oo dhibane ah ayaa lagu daaweynayay xarunta caafimaadka ee Nango waxaa hadda loo wareejiyay isbitaalka magaalada Bondo si halkaasi loogu daweeyo.
Eedeysanaha ayaa la filaya in dhawaan la soo taago maxkmadda si loogu soo oogo dacwad ka dhan ah faraxumeyn.