DHAGEYSO:4 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Bangal

0
1244

Shil gaari oo saaka ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Garissa iyo Nairobi gaar ahaan agagaarka degmada Bangal ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa afar qof halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Shilka ayaa u dhexeyay baabuur si khaas ah loo leeyahay iyo mid ka mid ah booyadaha biyaha.
Taliyaha booliska ee deegaanka waqooyiga Tana River Cali Ndiema ayaa dhacdadan xaqiijiyay isaga oo sheegay in dadka dhintay ay isugu jiraan labo rag ah, haweeney iyo canug yar oo dhammaan ku nafwaayay goobta uu shilku ka dhacay.
Mr. Ndiema ayaa warbaahinta u sheegay in ay baxsadeen darawalkii booyadda iyo taanbooygii la socday oo hadda la raadinaya.
Waxaa uu dhaawac soo gaaray wadihii baabuurka yar oo loola cararay isbitaalka wayn ee Garissa si halkaasi loogu daaweeyo.
Waxaa sidoo kale khasaaraha ka dhashay shilka maanta idaacadda Star FM uga warramay wakiilka deegaanka hoose ee Masalani Abubakar Shide oo ka mid ah ehellada dadka ay saameynta ka soo gaartay dhacdadaasi.

Guddoomiyaha ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa isna tacsi u diray, qoyska , ehellada iyo asxaabta afarta qof ee maanta shilka ku dhimatay isaga oo dhanka kale caafimaad degdeg ah u rajeeyay dhaawaca.