Waaxyaha dambi baarista oo loo qoondeeyay 20 bilyan oo shilin

0
439

Maamullada dowladda dhexe u qaabilsan baaritaanada falal dambiyeedyada iyo musuqmaasuqa ayaa loo qoondeeyay dhaqaale dhan 20 bilyan oo shilin sida uu sheegay wasiirka wasaaradda maaliyadda Mr. Ukur Yatani.
Mr. Yatani oo galinkii dambe ee shalay baarlamaanka ka hor akhriyay miisaaniyad sanadeedka 2021-2022-ka ayaa xusay in waaxyahan garab buuxa lagu siinaya adeegyada ay dalka u hayaan si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa iyo maamul xumada.
Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa loo qoondeeyay 3.3 bilyan , waaxda dacwad soo oogidda (3.2 bilyan) waaxda dambi baarista ee DCI-da (7.6 bilyan) halka xafiiska hanti dhowraha qaranka la siinaya miisaaniyad dhaqaale oo ah 5.9 bilyan oo shilin.
Sanadkii hore guddiga EACC ayaa la siiyay lacag dhan 3.1 bilyan oo shilin.
Si loo dardargeliyo howlaha iyo waxqabadka maamulladan baarlamaanka wadanka ayaa helaya 37.9 bilyan halka waaxda garsoorka loogu tala galay 17.9 bilyan.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC uu dhammaadkii sanadkii hore sheegay inuu dib u soo helay hanti qiimaheedu yahay 25.3 bilyan oo shilin oo la dhacay.