Maxaa ku soo kordhay dagaalka Bariga Dhexe maalintiisa 13-aad?

0
502

Ciraaq ayaa joojisay howlaha dekedaha ka dib weerar lagu qaaday labo markab oo shidaal ah, taasoo sababtay dhimashada ugu yaraan hal shaqaale iyo badbaadinta 38 kale.
Wakaaladda maraakiibta Ingiriiska ayaa sheegtay in walxo qarxo ay ku dhacday markab kale oo xamuul ah oo ku sugnaa xeebta Jebel Cali ee Isutaga Imaaraatka Carabta, taasoo sababtay dab yar.
Dhanka kale Israa’iil ayaa duqeysay aagga xeebta magaalada Beirut, iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof halka 31 kalena ay ku dhaawacmeen.
Baxrayn ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamada Iiraan ay weerareen taangiyada shidaalka ee Muharraq.
Kuweyt ayaa soo warisay in labo qof ay ku dhaawacmeen weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay fuliyeen oo lagu qaaday dhismo guri, halka Sacuudi Carabiya ay soo sheegtay in ay ka hortagtay dhowr duqeymo oo ku wajahan keydka shidaalka Shaybah iyo xaafad ay ku yaallan safaaradaha.