Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay, sagaal kalena weli waa la la’yahay ka dib fatahaado ba’an oo toddobaadkii hore ka dhacay qeybo ka mid ah dalka, kuwaas oo qoysas badan ay ku barakiceen isla markaana burburiyey guryo, beeraha iyo iskuulada 17 ismaamul.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Qaran ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay sii kordhayso iyadoo kooxaha gurmadka ay ballaariyeen howlgallada raadinta iyo qiimeynta burburka ka dhacay meelaha roobab culus iyo fatahaado degdeg ah ka dhaceen tan iyo Jimcihii la soo dhaafay. Waxaa la sheegay in masiibadan ay saameysay deegaan ballaaran oo dalka ka mid ah, iyadoo guryo, beeraha iyo kaabayaasha dadweynaha burbureen meelo badan.
Dowlad deegaannada ay fatahaaduhu saameeyeen ayaa waxaa ka mid ah Nairobi, Kisumu iyo Narok, iyo kuwa kale, gaar ahaan galbeedka iyo koonfurta dalka, halkaas oo roobab culus ay fatahaado ku dhaliyey bulshooyin badan.
Fatahaadaha ayaa sidoo kale carqaladeeyeen adeegyada muhiimka ah sida waddooyinka iyo buundooyinka oo qaarkood burbureen ama biyaha qariyeen, taasoo adkaysay in gurmadka gaaro bulshooyinka ku waxyeeloobay musiibadan.
Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa digniin siisay in roobab dheeraad ah ay dhici karaan bilowga xilli roobaadka bilaha April iyo May. Dadweynaha, gaar ahaan kuwa deggan meelaha halista fatahaadda ugu jira iyo deegaanada hoose, ayaa lagu boorriyay inay taxaddar muujiyaan oo raacaan talooyinka ammaanka ee dowladda. Dowladda ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto kormeerka xaaladda isla markaana ay xoojin doonto dadaallada gurmadka si looga hortago dhimasho dheeraad ah loona taageero bulshooyinka ay musiibada saameysay.
Home Wararka Kenya Tirada dhimashada oo gaartay 50 qof ka dib fatahaado burburiyey guryaha, beeraha...




