In ka badan 30 qof oo ku geeriyootay duqeymo ka dhacay Iiraan iyo Lubnaan

0
439

In ka badan 20 qof ayaa lagu dilay, halka 50 kale ay ku dhaawacmeen weerar gantaallo ah oo laba jeer oo isku xigta lagu qaaday magaalada Najafabad ee bartamaha Iiraan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Fars. Warbixinta ayaa soo xigatay sarkaal booliis ah oo aan magaciisa la shaacin, kaas oo sheegay in gantaalkii labaad uu ku dhacay isla goobtii gantaalkii hore wax yar ka dib, xilli shaqaalaha gurmadka iyo dadka rayidka ah ay caawinayeen dhaawacyada.
Dhanka kale, wakaaladda wararka qaranka ee Lubnaan ayaa sheegtay in Israa’iil ay dishay ugu yaraan 19 qof, oo ay ku jiraan carruur, ka dib weerar lagu qaaday dhisme saddex dabaq ah oo ku yaalla tuulada Sir el-Gharbiyeh ee koonfurta dalkaas.
Kooxaha difaaca rayidka iyo samatabbixinta ayaa weli ka shaqeynaya goobta si ay uga saaraan burburka, isla markaana u soo saaraan meydadka dadka ku hoos jira.