DHEGEYSO:Madaxweyne William Ruto oo baaq u diray dhallinyarada

0
480

Madaxweyne William Ruto ayaa Axadda maanta ah ugu baaqay dhallinyarada inay ka fogaadaan siyaasiyiin u adeegsan doona oo keliya inay horumariyaan danahooda gaarka ah. Isagoo ka hadlayay magaalada Bondo ee dowlad deegaanka Siaya intii lagu guda jiray furitaanka xaruun dijitaal ah, ayuu sheegay in dhaqanka siyaasiyiinta qaarkood ay dhallinyarada u adeegsadaan inay ku xalliyaan khilaafaadka siyaasadeed ay tahay arrin u baahan in si degdeg ah loo joojiyo.
Ruto ayaa carabka ku adkeeyay in dhibaatadan lagu xallin karo awood siinta dhallinyarada, isagoo ku boorriyay inay ka faa’iideystaan fursadaha ay dowladdiisa abuurtay. Waxaa uu sheegay in muddo dheer dhallinyarada loo adeegsanayay qalab siyaasadeed, kooxo rabshado sameeya ama dad u ololeeya siyaasiyiinta baraha bulshada, balse ay mudan yihiin mustaqbal ka wanaagsan.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa xusay in dowladdiisa ay hirgelisay barnaamijyo kala duwan oo lagu taageerayo dhallinyarada si ay u helaan fursado dhaqaale. Barnaamijyadaas ayaa waxaa ka mid ah qorshaha guryaha, dhismaha xaruumo tiknoolajiyadeed, iyo shaqooyin loo diro dalal kale.
Ruto ayaa sidoo kale sheegay in boqolaal kun oo dhallinyaro Kenyaan ah ay ka shaqeeyaan dibadda, taasoo ka caawisay inay horumariyaan noloshooda. Waxaa uu intaas ku daray in xildhibaanno badan ay dalka ka dhisayaan xaruumo tiknoolajiyadeed si dhallinyarada loogu abuuro shaqooyin, isla markaana ay ka qayb qaataan kobaca dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku dhiirrigeliyay dhallinyarada inay ka faa’iideystaan dhaqaalaha hal abuurka iyo baraha bulshada si ay u horumariyaan xirfadahooda farshaxanka.