Dowladda ayaa ugu baaqday waalidiinta, mas’uuliyiinta daryeelka carruurta iyo maamulayaasha iskuulada inay feejignaan muujiyaan isla markaana qaadaan tallaabooyin lagu ilaalinayo carruurta inta ay socdaan roobabka culus iyo fatahaadaha, iyadoo lagu digayo in carruurta yar yar ay gaar ahaan halis ugu jiraan xaaladaha degdegga ah.
Waaxda Adeegyada Carruurta ayaa sheegtay in caafimaadka, badbaadada, iyo sharafta carruurta la ilaalinayo xilligan, gaar ahaan kuwa da’doodu ka hooseyso shan sano. Dadweynaha ayaa lagu boorriyey inay soo sheegaan carruurta halista ku jirta iyagoo wacaya Khadka Gargaar Qaran ee Carruurta 116, oo bilaash ah 24-saac maalintii.
Xoghayaha Joogtada ah ee Waaxda Carren Ageng’o ayaa tilmaantay in wasaaradda ay si dhow ula shaqeyneyso hay’adaha kale ee dowladda, dowlad deegaannada, ururrada gargaarka iyo la howlgalayaasha bulshada si carruurta loo ilaaliyo. Waxaa la sameeyay taageero degdeg ah, qaybinta cunto iyo agab muhiim ah, iyo bixinta adeegyo ilaalin carruurta ah meelaha ay fatahaaduhu saameeyeen. Ageng’o ayaa xustay in gaar ahaan carruurta ka yar shan sano la siinayo daryeel gaar ah iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda Caafimaadka iyo dhinacyada kale ee muhiimka ah.
Waalidiinta iyo mas’uuliyiinta daryeela carruurta ayaa lagu boorriyey inay carruurta ka fogeeyaan meelaha biyaha fadhiyaan, siiyaan dhar diirran, isla markaana hubiyaan deegaan badbaado leh. Dadweynaha iyo la howlgalayaasha bulshada ayaa sidoo kale lagu dhiirrigeliyay inay sii wadaan taageerada bulshada isla markaana la shaqeeyaan dadaallada dowladda si carruur kasta iyo qoys kasta oo u baahan gargaar loo gaarsiiyo.
Home Wararka Kenya Dowladda oo howlgelisay Khadka Gargaar Qaran ee Carruurta si loo ilaaliyo carruurta...




