Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka digtay in cudurro faafa ay ka dillaaci karaan dalka oo dhan, iyadoo roobabka culus ee bilaha April iyo May ay ka da’ayaan meelo badan. Xoghayaha Joogtada ah ee Caafimaadka Dadweynaha, Mary Muthoni, ayaa sheegtay in fatahaadaha ka dhasha roobabka ay keeni karaan wasakhowga biyaha, kororka cayayaanka sida kaneecada, barakaca bulshada, iyo carqalad ku yimaada nidaamyada nadaafadda, taasoo dhamaan ka dhigaysa deegaan ku habboon cudurrada.
Muthoni ayaa sheegtay in arrimahan ay kor u qaadi karaan khatarta cudurrada sida daacuunka, duumada, tifaafi, dengue, iyo cudurrada kale ee ay kaneecada keento. Sidoo kale cudurrada neef mareenka ayaa la filayaa inay kordhaan sababo la xiriira qabow iyo huur, iyadoo dhaawacyada ka dhasha fatahaadaha sida quusitaan, shilal, iyo qaniinyada masaska ay sii kordhin karaan dhibaatooyinka caafimaad. Nadaafad xumada iyo ururinta qashinka ayaa sidoo kale laga digay.
Shacabka ayaa lagu boorriyey inay qaataan tallaabooyin ka hortag ah, sida cabista biyo la kariyey ama la faasasay, dhaqida gacmaha si joogto ah, iyo in cuntada si ammaan ah loo diyaariyo. Waxaa sidoo kale la faray in la hoos seexdo shabaqyada kaneecada lagu daweeyo, in biyaha fadhiya ee guryaha hareerahooda la is dhaafiyo, iyo in la isticmaalo dawooyinka ka hor taga kaneecada. Waxaa sidoo kale la tilmaamay in aysan socon ama gaariga ku marinin meelaha fatahaaduhu saameeyeen, la hubiyo nadaafadda, lana raadsado daryeel caafimaad haddii la arko calaamado sida shuban, matag, qandho, ama neef qabatin.
Wasaaradda ayaa sidoo kale ku boorisay kooxaha caafimaadka ee dowlad deegaannada inay xoojiyaan kormeerka cudurrada faafa, isla markaana xaruumaha caafimaadka ay diyaar u noqdaan inay maareeyaan cudurrada dillaaca. Muthoni ayaa sheegtay in wasaaradda, oo kaashanaysa dowlad deegaannada iyo la howlgalayaasha, ay xoojisay kormeerka cudurrada, diyaar garowga degdegga ah, iyo hababka jawaabta si loo ogaado loogana hortago khataraha caafimaad ee ka dhalan kara roobabka. Waxaa ay bulshada iyo hogaamiyeyaasha deegaanka ku boorisay inay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta caafimaadka, isla markaana ay soo sheegaan cudurrada aan caadiga ahayn oo ay raacaan talooyinka nadaafadda.
Home Wararka Kenya Wasaaradda Caafimaadka oo digniin ka soo saartay Daacuunka iyo Duumada iyadoo roobabka...




