Suuqa BBS Mall ee ku yaalla xaafadda Islii ayaa ka jawaabay eedeymo ku saabsan dhibaateyn loo geystay darawallada mootada ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaal muujinaya askari la wareegaya mooto ka dib markii rakaab uu ka deggay. Arrintan ayaa dhalisay walaac ka yimid darawallada iyo dadweynaha ku saabsan sida loola dhaqmo mootooyinka agagaarka xaruunta.
Maamulka BBS Mall ayaa bayaan soo saaray, iyagoo caddeeyay inay la socdaan qoraallada iyo muuqaalada la faafinayo, islamarkaana ay doonayaan inay sharxaan nidaamka u yaalla mootoleyda. Waxaa ay sheegeen in aanay jirin wax mamnuucid ah oo lagu soo rogay mootooyinka, balse ay jiraan meelo gaar ah oo loo qoondeeyay gaadiidka kala duwan.
Sida uu sheegay maamulka, mootooyinka ayaa loo oggol yahay inay ka shaqeeyaan gudaha meelaha loo asteeyay, halka cabashooyinka hadda jira ay ka dhasheen xaalado ay darawallada u gudbaan goobaha loogu talagalay gaadiid kale, gaar ahaan taksiyada. Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay kuwo lagu ilaalinayo amniga iyo habsami socodka gaadiidka.
BBS Mall ayaa intaa ku dartay in nidaamkan ujeeddadiisu tahay in la ilaaliyo kala dambeynta iyo badbaadada dhammaan dadka isticmaala waddooyinka gudaha xaruunta, isla markaana aan lagu xaddidayn gelitaanka cid gaar ah. Waxaa ay sidoo kale ballanqaadeen inay sii wadi doonaan wadahadalka ay la leeyihiin darawallada mootooyinka iyo bulshada si loo helo wada shaqeyn iyo jawi ammaan ah.
Home Wararka Kenya BBS Mall oo ka jawaabay eedeymaha dhibaateynta mootoleyda ka dib muuqaal baraha...




