Bisha Cas :Tirada dhimashada Iiraan oo kor u dhaaftay 550

0
406

Ugu yaraan 555 qof ayaa ku dhintay duqeymo ay Mareykanka iyo Israa’iil ka geysteen guud ahaan dalka, sida ay sheegtay Hay’adda Bisha Cas ee Iiraan.
Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintay weerarro ay Mareykanka iyo Israa’iil ka geysteen maanta gobolka Fars ee koonfurta Iiraan.
Sidaas waxaa sheegay sarkaal maxalli ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Mehr.
Dhanka kale Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga ayaa sheegtay inaysan heynin wax tilmaam ah oo muujinaya in weerarrada Israa’iil iyo Mareykanka ee Iiraan ay ku qaadeen ay ku dhaceen xarumo nukliyeer ah.
Dhankiisa Reza Najafi, safiirka Iiraan ee hay’adda ilaalinta nukliyeerka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in xarunta nukliyeerka ee dalka ee Natanz ay saameeyeen weerarada ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil.