Dad ku dhaawacmay burbur ku yimid warshad ku taala Kuwait

0
392

Wakaaladda Wararka ee rasmiga ah ee Kuwait ayaa sheegtay in ay burburtay warshadda sifeeynta Mina Al Ahmadi oo u dhow Magaalada Kuwait, taasoo keentay “dhaawacyo fudud oo soo gaaray laba shaqaale ah”.
Warbixintan ayaa timid iyadoo ay jiraan weerarro cusub oo Iiraan ay ku qaaday saldhigyada Mareykanka ee Khaliijka, iyadoo la soo sheegayo in duqeymo cirka ah laga maqlayo Kuwait iyo Bahrain, iyo dhawaqyo laga maqlayo caasimadda Qatar, Doha, iyo caasimadda Imaaraadka, Abu Dhabi.
Goobjooge ayaa sheegay in qiiq laga arkay meel u dhow safaaradda Mareykanka ee Kuwait.
Tani waxay timid ka dib markii saacadihii la soo dhaafay la maqlayay dhawaqa gantaalada cirka ee ka dhacaya dalka Khaliijka ah.
Dhinaca kale Diyaarad dagaal ayaa saaka ku burburtay gudaha dalka Kuwait, xilli dagaal uu ka socdo gobolka Bariga Dhexe Maalintii 3aad.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in diyaaraddu ay nooceedu tahay F-15 Strike Eagle, taasoo ku soo dhacday meel u dhow saldhigga ciidanka cirka ee dalkaas.
Labo duuliye ayaa laga soo saarey diyaaradda oo ay leeyihiin ciidanka Maraykanka.