Xafiiska Hogaamiyaha Sare ee Iran ayaa lagu soo warramayaa in la duqeeyay

0
277

Qaraxyo badan ayaa laga maqlay magaalada Tehran iyo tiro magaalooyinka dalka Iran ah.
Xafiiska Hoggaamiyaha Sare ee Iran iyo xafiiska madaxtooyada ee Tehran ayaa sidoo kale la sheegay in la beegsaday.
Goobaha militariga ayaa lagu bartilmaameedsaday Kermanshah, Qum, Isfahan, Tabriz, Karaj iyo sidoo kale xarumaha ciidamada badda Iran ee ku yaalla Kenarak ee koonfurta dalkaasi. Muuqaal aan ka helnay magaalada yar ee Kamyaraan ee gobolka Kurdiyiinta ayaa muujinaya saldhig ay ciidamada IRGC ku leeyihiin oo la duqeeyay.
Ciidanka difaaca Israa’iil ayaa uga digay dadka rayidka ah ee Iran in ay isaga guuraan meelaha u dhow goobaha iyo xarumaha milatariga ka hor inta aan la weerarin.
Waxaa jira sawirro laga soo qaaday Tehran oo muujinaya in la weeraray guri ku yaal xaafadda Narmak ee Tehran, oo uu ku nool yahay madaxweynihii hore ee Iran Mahmoud Ahmadinejad. Ma cadda in madaxweynihii hore uu dhaawac soo gaaray.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Iran ayaa sheegtay in ciidamada ammaanku ay diyaar u yihiin inay xaaladda dejiyaan, isbitaallo badan oo dalka ahina ay diyaar yihiin.