Maxkamadda oo laashay dacwad lagu diidanaa howlgalka xerada dalxiiska ee Ritz-Carlton ee kaynta Maasai Mara

0
410

Maxkamadda Deegaanka iyo Dhulka ee Narok ayaa laashay dacwad lagu doonayay in lagu joojiyo howlgalka xerada dalxiiska ee Ritz-Carlton ee kaynta Maasai Mara, iyadoo go’aamisay in dacwadda la soo gudbiyay ka hor waqtigeeda isla markaana maxkamadda aanay u lahayn awood ay ku dhageysato arrintaas.
Dacwadda oo uu gudbiyay Dr Joel Maitamei Ole Dapash ayaa lagu dalbanayay amar lagu hakiyo furitaanka iyo shaqada xerada raaxada leh ee ku taalla Kaydka Qaranka ee Maasai Mara. Dacwoodaha ayaa ku dooday in dhismaha xerada uu wax u dhimayo ilaalinta deegaanka, ka qaybgalka dadweynaha iyo dhowrista hidaha dhaqanka, isla markaana uu ka hor imanayo amar madaxweyne oo hore u joojiyay dhismayaasha cusub ee hoyga dalxiiska gudaha kaydka.
Maxkamadda ayaa xustay in xerada si rasmi ah loo furay 15-kii Agoosto 2025 isla markaana ay shaqaynaysay tan iyo markaas, sidaas darteed codsiga lagu joojinayay furitaankeeda uu noqday mid waqtigiisa dhaafay. Waxaa kale oo la caddeeyay in mashruuca uu maray qiimeyn dhammaystiran oo saameynta deegaanka ah, wadatashi hay’ado kala duwan ah iyo kormeer goobta ah, islamarkaana la bixiyay rukhsad sharci ah bishii May 2024.
Waxaa ay sidoo kale oggolaatay dood hordhac ah oo ay soo gudbisay dowladda ismaamulka Narok, iyadoo sheegtay in khilaafaadka la xiriira duurjoogta iyo rukhsadaha deegaanka marka hore loo gudbiyo hay’adaha sharci ee u qaabilsan. Maaddaama dacwoodaha uusan marin waddooyinkaas sharci, maxkamadda ayaa laashay dacwaddii oo dhan, waxaa ayna kharashaadka dusha ka saartay dacwoodaha.