DHAGEYSO:Dibadbax maanta ka dhacay wadada Mwingi

0
58

Xiisad ka taagan wadada Mwingi ayaa ka sii daraysa iyadoo amnigu uu sii xumaanayo, taasoo keentay in safarka wadada Mwingi-Garissa uu hakad galo.
Isku dhac dhex maray laba bulsho oo deris ah ayaa sababay dhimashada siddeed qof dhammaadkii usbuucii hore.
Dad careysan oo ku nool aagga ayaa sababay in la xiro wadada, iyadoo rakaabku ay ku xayiran yihiin isgoysyada xafiisyada shirkadaha ee gaadiidka.
Muuqaalo la baahiyay ayaa muujinaya in la bililiqaystay dukaamo ay soomaali ku lahayd aaga Mwingi.

Wali waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinaya bulshooyiinka is haya iyadoona loogu baaqay in ay xaaladda dajiyaan.