Hoggaamiyaha xisbiga PLP, Martha Karua ayaa dhaliishay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee IEBC, ka dib markii uu ka mamnuucay codbixiyeyaasha inay taleefoonnadooda la galaan goobaha codbixinta.
Wareysi ay siisay idaacad maxalli ah Jimciha maanta ah, Karua waxaa ay sheegtay in guddiga uusan haysan sal sharci oo uu ku soo rogi karo xayiraad guud, isla markaana tallaabadaas ay ka baxsan tahay awooddiisa. Waxaa ay caddeysay in sharciyada doorashooyinka ay ilaalinayaan waxa ka dhacaya gudaha qolalka codbixinta oo keliya, halkaas oo sirta codka lagu dhowrayo, balse aanay quseyn xaruunta codbixinta oo dhan.
Karua ayaa sheegtay in codbixiyaha uu xor u yahay inuu taleefankiisa la galo goobta codbixinta, hadii uusan sawir ka qaadayn warqadda codbixinta marka uu calaamadeeyo. Waxaa ay tilmaantay in wakiillada xisbiyada iyo kormeerayaasha ay si fudud u ogaan karaan qof isku daya inuu sawir ka qaado warqaddiisa.
Waxaa ay hoos u dhigtay eedaha sheegaya in taleefoonnada si weyn loogu adeegsado laaluush codbixineed, iyadoo tiri dadka sidaas sameeya ay aad u yar yihiin. Sida ay sheegtay, waajibaadka guddiga waa inuu fuliyo sharciga jira, ee uusan soo rogin shuruudo cusub oo aan si cad ugu qornayn sharciga.
Hadalladeeda ayaa yimid maalmo ka dib markii guddiga uu dhaqan geliyay mamnuucidda taleefoonnada gudaha goobaha codbixinta intii lagu jiray doorashooyin ku celis ah oo ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka dalka 26-kii bishan ee shalay ahayd. Guddiga ayaa sheegay in tallaabadan loo qaaday si loo ilaaliyo sirta codbixinta, ka dib dhacdooyin hore oo ay dad sawirro ka qaadeen warqado ay calaamadeeyeen kuna faafiyeen baraha bulshada.
Guddiga ayaa xusay in dastuurka iyo sharciga doorashooyinka ay si cad u dhowraan sirta codka, islamarkaana ay dambi tahay in la muujiyo sida qof u codeeyay ama la carqaladeeyo qarsoodiga codbixinta. Si kastaba ha ahaatee, Karua ayaa ku adkeysatay in xalka saxda ah uu yahay kormeer adag oo lagu sameeyo gudaha qolalka codbixinta, halkii laga xaddidi lahaa gelitaanka sharciyeysan ee goobaha codbixinta.
Home Wararka Kenya Karua oo dhaliishay xayiraadda taleefoonnada ee IEBC ka mamnuucday goobaha codbixinta kuna...




