Ururka Farmashiistayaasha dalka ee PSK ayaa si adag u cambaareeyay duubis iyo faafin aan fasax lahayn oo laga sameeyay muuqaal muujinaya madaxweynihii ku xigeenka hore ee waddanka Rigathi Gachagua isagoo dawo ka iibsanaya farmashiye, iyagoo ku tilmaamay fal si weyn u jebinaya asturnaanta bukaanka iyo sirta adeegyada caafimaadka.
Bayaan rasmi ah oo uu ururka soo saaray ayaa lagu sheegay in farmashiyeyaasha yihiin goobo caafimaad oo qof kasta xaq u leeyahay karaamo, dhowrsanaan iyo ilaalinta xogtiisa caafimaad ee gaarka ah.
Guddoomiyaha ururka, Dr Wairimu Mbogo, ayaa sheegtay in duubista qof ku sugan farmashiye iyadoo aan oggolaansho laga haysan ay tahay xadgudub culus oo ka dhan ah asturnaanta iyo sirta caafimaadka.
Ururku ayaa caddeeyay inuu hadda hubinayo sharcinimada iyo rukhsadda xirfadlayaasha ka howlgalayay farmashiyaha arrintan ka dhacday, si loo ogaado in tallaabo sharci ama anshaxeed loo baahan yahay.
PSK ayaa tilmaantay in dhacdadan ay muujinayso baahida loo qabo in farmashiyeyaasha ay si joogto ah u maamulaan xirfadlayaal aqoon iyo rukhsad leh oo fahamsan kuna dhaqma anshaxa shaqada. Waxaa ay sheegtay in joogitaanka shaqaale caafimaad oo si habboon u tababaran uu muhiim u yahay ilaalinta sirta bukaanka, kobcinta kalsoonida bulshada, iyo dhowrista sumcadda nidaamka caafimaadka.
Ururku ayaa sidoo kale xusay in farmashiistayaasha ay maraan waxbarasho jaamacadeed oo heer sare ah oo ku saabsan cilmiga dawooyinka, daaweynta, go’aan qaadashada caafimaad, iyo badbaadada bukaanka. Waxaa ay ku dhaartaan inay mudnaanta siiyaan daryeelka bukaanka, ilaaliyaan sirta, isla markaana hubiyaan isticmaalka badbaado leh ee dawooyinka.
Home Wararka Kenya PSK oo cambaareeysay duubis qarsoodi ah oo laga sameeyay Rigathi Gachagua isagoo...




