DHAGEYSO:Xildhibaankii hore ee Kibwezi oo Jimcada la aasaya

0
525

Mudanihii hore ee deegaanka Kibwezi ee ismaamulka Makueni Kalembe Ndile oo geeriyooday dabayaaqadii bishii hore ayaa meydkiisa la aasi doonaa Jimcada soo socoto.
Shalay ayaa munaasabad baroor-diiq ah loogu sameeyay xaafadda Syokimau oo ka tirsan Machakos.
Xubnaha qoyska iyo siyaasiyiinta ayaa Kalembe ku ammaanay shakhsi si weyn ugu doodi jiray xuquuqda shacabka gaar ahaan arrimaha dhulalka.
Mid ka mid ah xubnaha qoyskiisa ayaa faahfaahin ka bixinaya qorshaha aaska.

Bishii hore ayuu Kalembe Ndile ku geeriyooday isbitaalka Nairobi Hospital halkaasi oo lagu daaweynayay maadaama uu muddo xanuunsanaa.