Ciidamada booliska ee ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka ayaa gacanta ku dhigay 2000 oo qof oo loo haysto in aynan ilaalin amarrada dowladda ee lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID19.
In badan oo dadkan ka mid ah ayaa la qabtay iyaga oo ku sugan mid ka mid ah goobaha lagu caweeyo saacadaha bandowga habeenkii.
Sidoo kale eedeysanayaasha qaar ayaa la xiray iyaga oo aan sidan maaskaro .
Laamaha ammaanka ayaa wacad ku maray in ay sii wadayaan howlgallada