Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Dr. Monica Juma ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedda loo jeediyay madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta ee ah inuu Kenya u maamulaya qaab militari.
Tani ayaa timid ka dib markii maamulka warshadda hilibka ee KMC uu hoos geeyay wasaaradda difaaca.
Hasa ahaatee Monica Juma ayaa xustay in isbeddelkan uunan ahayn mid cusub oo qayra-caadi ah.
Dr. Juma ayaa tusaale u soo qaadatay in markii ay ahayd wasiirka arrimaha dibadda , waaxda ganacsiga caalamiga ay ka tirsanayd wasaaradaasi balse loo wareejiyay dhanka wasaaradda warshadaha .
Waxay sheegtay in isbeddelkaasi aan wax su’aal ah la gelin sidaas awgeedna aan loo baahnayn in tallaabadii madaxweynaha uu warshadda KMC ugu wareejiyay militariga laga bixiyo fasiraad khaldan.
Waxay sheegtay in ujeedada arrinkan laga leeyahay ay tahay in militariga uu qayb ka noqdo howlaha maareynta si loo wanaajiyo u adeegidda shacabka.
Dr. Monica Juma ayaa intaa ku dartay in warshadda KMC horay maalin kasta loogu qali jiray 7 neef oo lo’o ah balse hadda maalin kasta la qalo 200 oo neef .
Waxaa uu qorshuhu yahay in dhammaadka sanadkan xarunta KMC ee degmada Athi River , ismaamulka Machakos maalin waliba lagu qalo 2,000 oo neefaf ah.
Home Wararka Kenya Wasiirka difaaca oo sheegtay in madaxweynaha uunan qaab militari ku maamulin wadanka