Golaha imtixaanada qaran ee KNEC oo hoggaamiye cusub yeeshay

0
460

Waxaa maanta xilka madaxa fulinta ee golaha imtixaanada qaran ee KNEC loo magacaabay Dr. David Njengere Kabita.
Mas’uulkan oo leh khibrad 30 sano ah ayaa xafiiska si rasmi ah ula wareegi doono laga billaabo 1-da bisha Toddobaad ee sanadkan.
Magacaabidda aqoonyahankan waxaa shaaciyay guddoomiyaha golaha KNEC Dr. John Onsati.
Ka hor inta aan xilkan loo dhiibin Dr. Njengere ayaa la taliye u ahaa wasiirka wasaaradda tacliinta ee Kenya.
Waxaa uu sidoo kale agaasime ku xigeen ka soo noqday golaha qaran ee imtixaanada iyo machadka horumarinta manaahijta dalka ee KICD.
Dr. Njengere ayaa xilka madaxa fulinta ee KNEC kala wareegaya Mercy Karogo oo si ku meel gaar ah u haysay tan iyo sanadkii 2016-kii.