Ciidamada waaxda dambi baarista dalka ayaa gacanta ku dhigay eedeysane loo haysto inuu xaaskiisa ku dilay ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta.
Hamatton Ismaaciil Karisa oo loo yaqaano Ismaaciil Ismael Charo ayaa falkan gaystay horraantii sanadkan.
Waxaa la soo qabtay xilli uu isku dayay inuu u gudbo dhanka dalka Tanzania.
Laamaha ammaanka ayaa eedeysanaha raadinayay tan iyo xilligii uu xaaskiisa dilay .
Waxaa uu hadda ku jiraa saldhigga booliska waxaana la filayaa in maxkamadda la soo taago si uu uga jawaabo eedeynta loo soo jeediyay.