Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee la geeyay aagga Diff ,ismaamulka Wajeer ayaa dhawaan sameeyay hawlgal bani’aadamnimo oo Iskaashi ah si ay biyo degdeg ah u gaarsiiyaan dadka deggan Xarunta Abaqhalul ee Wajeer.
Gargaarka bani’aadanimo ay ciidamada difaaca gaarsiiyeen Diif ayaa imaanaysa iyadoo abaarta darran ka jirta gobolka waqooyi bari walaac laga muujiyay.
Deegaanka Diif waxaa mudodoyiinkii dambe ka jirtay biyo la’aan darran.
Ciidamada KDF ayaa biyo gaarsiiyay 100 qoys ah oo ku nool wajeer kuwaas oo ay saamaysay abaarta .
Guddoomiyaha goobta gargaarka la gaarsiiyay, Maxamed Cali, ayaa xusay in caawimaadda KDF ay timid waqtika ku habboon taasi oo si u yareyn doonto dhibaatada bani’aadanimo eek a taagan qeybo ka mid ah Wajeer.
Mr Cali ayaa sidoo kale iftiimiyay in gaarsiinta biyuhu ay siin doonto hooyooyinka gargaar aad loogu baahan yahay, taasoo u oggolaanaysa waqti dheeraad ah inay daryeelaan qoysaskooda iyo carruurtooda yaryar xilliyadan adag.
Ciidamada waxay sidoo kale qiimeeyeen xaaladda jirta waxayna xaqiijiyeen in aaggaas uu wajahayo xaalad biyo la’aan oo daran, iyagoo hoosta ka xariiqay baahida degdegga ah ee loo qabo in dadka deegaanka la caawiyo si loo yareeyo saameynta ba’an ee abaarta daba dheeraatay.
Dadka deegaanka ayaa ciidamada difaaca Kenya uga mahadceliyay gargaarka ay soo gaarsiiyeen.
Ciidanka ayaa sheegay inay ka go’an tahay ilaalinta nolosha iyo taageeridda bulshooyinka, marka lagu daro waajibaadka amniga ee asaasiga ah.




