DHEGEYSO:Baadariyaasha Kakamega oo ku dhawaaqay inay la shaqeyn doonaan hay’adaha dowladda si loo xakameeyo mukhaadaraadka iyo maandooriyaha

0
144

Baadariyaasha ka soo jeeda dowlad deegaanka Kakamega ayaa ku dhawaaqay inay la shaqeyn doonaan hay’adaha dowladda si loo xakameeyo mukhaadaraadka iyo maandooriyaha, iyaga oo ka jawaabaya walaaca laga muujiyay in ismaamulka uu hogaaminaayo soo saarista iyo isticmaalka khamriga sharci darrada ah.
Waxaa ay sheegeen in iskaashiga ay la yeelanayaan hay’adaha amniga iyo caafimaadka uu muhiim u yahay wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, iyo in la yareeyo saameynta taban ee mukhaadaraadka iyo khamriga sharci darrada ah ku leeyihiin bulshada. Waxaa ay sidoo kale ku booriyeen waalidiinta, macallimiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay ka qaybqaataan dadaallada lagu xakameynayo dhibaatadan. Ujeedada ugu weyn ee iskaashiga baadariyaasha iyo hay’adaha dowladda ayaa ah in la abuuro deegaan caafimaad qaba oo nabad iyo horumar ku dhisan.