Booliiska oo baaraya dhacdadaii ka hdacday Nyeri

0
214

Adeegga Booliska Qaranka (NPS) ayaa furay gal baaritaanno ah ku saabsan hakadkii ku yimid adeegga kaniisadda ee Kaniisadda St. Peter’s ACK ee Witima, Degmada Hoose ee Othaya, ismaamulka Nyeri.
Waxaa gudaha kaniisadda lagu tuuray gaaska dadka ka ilmaysiisa iyo rasaas taasoo keentay cabsi iyo carqaladeyn .
Waxaana goobta ku sugnaa Madaxweyne ku xigeenkii hore Rigathi Gachagua iyo xulafadiisa.
Sida laga soo xigtay NPS, hakadku wuxuu sababay burbur soo gaaray tiro baabuur ah oo la dhigay gudaha kaniisadda. Ma jirin wax dhaawac ah oo la soo sheegay.