Garyaqaan David Matsanga ayaa difaacay go’aankii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu dhinac iskaga dhigay magacyada 6 garsoorayaal oo ka mid ahaa 40 loo gudbiyay.
Xaakiinnada ayaa waxaa soo xushay guddiga adeega garsoorka ee JSC si ay xilal uga qabtaan maxkamadaha racfaanka, deegaanka iyo shaqaalaha.
Hasa ahaate hoggaamiyaha wadanka ayaa magacaabay 34 ka mid ah waxaa uuna ka tagay 6 taasoo hadal hayn ballaaran abuurtay.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta dowladda ee KBC ayuu David Matsanga ku sheegay in Mr. Kenyatta uu adeegsaday dastuurka wadanka.
Waxaa uu sheegay in qodobka 166-aad ee xeerarka wadanka uu hagay madaxweynaha.
Matsanga ayaa xusay in qodobkaasi uu qeexaya in marka qof loo soo magacaabaya xilka madaxa cadaaladda , ku xigeenkiisa ama garsoore maxkamadeed laga doonayo inuu leeyahay habdhaqan wanaagsan , dhexdhexaadnimo iyo shuruudo kale.
Waxaa uu intaa ku daray in Mr. Kenyatta uunan qorin dastuurka balse uu door biday inuu adeegsado.
In kastoo aan weli faahfaahin dhameystiran laga bixin go’aanka madaxweynaha , waxaa shalay taageertay xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda adeegga dadweynaha Beatrice Elachi.
Mrs. Elachi ayaa sheegtay in aan loo baahnayn in hoggaamiyaha wadanka lagu dhaliilo go’aanka uu qaatay maadaama sida ay hadalka u dhigtay ay suuragal tahay inuu helo xog sirdoon oo uu ku saleeyay.