Hoggaamiyaha ku meelgaarka ah ee Venezuela oo booqasho ku tagi doonto Mareykanka

0
209

Madaxweynaha ku meelgaarka ah ee Venezuela ayaa dhowaan booqan doontaa Mareykanka, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka Arbacadii. Tallaabadan ayaa muujinaysa in Madaxweyne Donald Trump uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo hoggaamiyaha cusub ee dalka hodanka ku ah shidaalka.
Delcy Rodríguez ayaa noqon doonta madaxweynihii ugu horreeyay ee xil haya oo ka socda Venezuela ee booqda Mareykanka in ka badan 25 sano, marka laga reebo madaxweynayaal ka qayb galay shirarka Qaramada Midoobay ee ka dhaca magaalada New York.
Rodríguez ayaa sheegtay in wada hadal kasta oo lala yeesho Mareykanka ay u wajahi doonto si kalsooni leh, iyada oo aan cabsi jirin. Waxaa ay tilmaantay in Venezuela ay ku jirto hannaan wadahadal iyo iskaashi ah oo ay la leedahay Mareykanka, si si diblomaasiyadeed loo wajaho khilaafaadka iyo caqabadaha jira.
Casuumadda booqashadan ayaa astaan u ah isbeddel degdeg ah oo ku yimid xiriirka Xukuumadaha Washington iyo Caracas, tan iyo markii ciidamo Mareykan ah ay howlgal ka fuliyeen caasimadda Venezuela, halkaas oo ay ku qabteen madaxweynihii hore Nicolás Maduro, kana kaxeeyeen dalka si uu Mareykanka ugu wajaho dacwado la xiriira tahriibinta daroogada.
Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in booqashada Rodríguez ay dhici doonto waqti dhow, inkastoo aan weli la shaacin taariikh rasmi ah.