Dowladda ismaamulka Garissa iyo hay’adda WFP oo sameeyay sheybaaro cuntada lagu baaraya

0
541

Dowladda ismaamulka Garissa oo kaashanaysa hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa xarigga ka jartay saddex sheybaar oo loogu talagalay in lagu hubiyo tayada cunnooyinka lagu iibiyo gudaha dowlad deegaankaas.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo shalay caalamka laga xusay maalinka adduunka ee badqabka dhanka cuntada.
Waaxda ismaamulka Garissa u qaabilsan dhanka isgaarsiinta ayaa sheegtay in sheybaaradan laga hirgeliyay magaalooyinka Garissa, Dadaab iyo Masalani.
Xoghayaha dowladda hoose ee ismaamulka Garissa Cabdi Muxumad ayaa sheegay in xarumahan ay kaalin wayn ka qaadan doonaan ka hor tagga isticmaalka cunnooyinka sumeysan.
Horay baaritaanada ayaa laga sameyn jiray magaalada Nairobi.
Madaxa hay’adda WFP ee Garissa Yuusuf Cali ayaa dhankiisa sheegay in iyaga oo kaashanaya jaamacadda Nairobi ay tababaro iyo shahaadooyin siiyeen 12 ka mid ah saraakiisha waaxda fayadhowrka oo la fahansiiyay xaqiijinta tayada cuntada .