Qoys reer Mombasa ah oo dalbaday in cadaalada la siiyo wiil ay booliska toogasho ku dileen

0
445

Qoyska Dennis Ringa oo 14 jir ah ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo soo qabto askariga dilka geystay. Warbixinta dhimashada ka dib ayaa tilmaamaysa in gadaal laga toogtay.
Cusbitaalka Guud ee Gobolka Xeebta ayaa xaqiijiyay in ardayga fasalka 6-aad laga toogtay dhanka danbe, iyadoo xabadu ka soo gashay garabka bidix kana soo baxday dhanka hore.
Rasaasta ayaa jabisay garabka bidix iyo lafaha ku xiga, waxaana ay waxyeelo weyn u geysatay xididada waaweyn ee dhiiga qaada taasoo keentay dhaawacyo isu bedelay dhimasho.
Natiijadu waxay xoojisay baaqyada isla xisaabtanka, iyadoo xubnaha qoyska iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ay toogashada ku tilmaameen mid aan cudur daar lahayn oo aan sabab lahayn.
Ringa ayaa lagu toogtay aagga Utange ee Bamburi saacadihii hore ee 1-dii Janaayo , iyadoo dadka deegaanka ay u dabaaldegeen sanadka cusub.
Goobjoogayaal iyo xubno ka tirsan qoyska ayaa sheegay in masiibadani ay dhacday saqdii dhexe ee habeenkii, iyadoo wiilka oo ahaa kii saddexaad ee qoyskiisa uu la socday shan saaxiibo ah oo ku sugnaa xaafada ay dagan yihiin.
Hooyadiis Nancy Kwekwe oo ka hadlaysay bannaanka qolka maydka ee cisbitaalka , ayaa sheegtay in ay aad uga xanuunsatay geerida wiilkeeda.