Baaritaanka goobta uu ku dumay dhismaha xaafada South C ayaa galay maalintii lixaad, iyadoo kooxaha samatabbixinta ay si aan kala joogsi lahayn uga shaqeynayaan nadiifinta burburka haray iyadoo mas’uuliyiintu ay rajeynayaan inay dhammaystiraan ka saarista qashinka maanta.
Dhanka kale, dhibbanihii ugu horreeyay ee masiibada, Waardiye Cali Aadan Galgalo, ayaa lagu aasay xaflad ay ka soo qaybgaleen hoggaamiyeyaasha maxalliga ah, oo uu ku jiro Abass Khaliif oo ah wakiilka xaafada South kuumatalo baarlamaanka hoose ee Nairobi.
Khaliif ayaa sidoo kale booqday goobta masiibada ka dhacday si uu u taageero dadaallada samatabbixinta wuxuuna ku baaqay in lala xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah.
Wuxuu intaas ku daray in baaritaan lagu sameeyo mashaariicda dhismaha ee la ansixiyay iyo kuwa socda ee Nairobi la derder gelin doono si loo hubiyo badbaadada dadweynaha.
Wasiirada Dhulka Alice Wahome ayaa ka digtay in naqshadeeyaha ka dambeeya dhismaha dumay uu wajihi karo in diiwaanka laga saaro haddii baaritaannadu caddeeyaan fal dambiyeed.
Aggaasimaha dacwad oogidda DPP Mulele Ingonga ayaa amray baaritaanno degdeg ah, isagoo ku nuuxnuuxsaday in isla xisaabtanku uu gaari doono kuwa guryaha gaarka loo leeyahay dhisaye iyo saraakiisha dawladda ee mas’uulka ka ah kormeerka sharciyeed.
Taliyaha Guud ee Booliska ayaa la faray inuu warbixin dhammaystiran u gudbiyo Xafiiska Agaasimaha dacwad oogidda toddobo maalmood gudahood.
Dhismaha, oo dumay Janaayo 2-dii, ayaa sababay in laba qof ku xayirmay burburka hoostiisa, taasoo keentay hawlgal samatabbixin ah oo hay’ado badan ka kooban.Mid ka mid ah meydadka ayaa la helay Axaddii.
Aggasimaha dacwad oogidda wuxu si qoto dheer uga tacsiyeeyeen qoysaska ay saameysay masiibada waxayna ballan qaadeen inay la xisaabtami doonaan dhammaan dhinacyada mas’uulka ka ah.
Mulkiilayaasha dhismaha ayaa u sheegay baarayaasha in boqolkiiba 70 hantida loo iibiyay si aan qorshaysnayn, taasoo keentay su’aalo ku saabsan kormeerka iyo u hoggaansanaanta xeerarka dhismaha.




