Hogaamiyeyaasha ismaamulka Tana River ayaa si adag u cambaareeyay dilka nin 20 jir ah oo ay boolisku ku toogteen xaafada Kilindini.
Dhacdadu waxay dhacday markii ninku isku dayay inuu ka hortago saraakiisha booliiska inay xiraan saaxiibkii.
Xildhibaanka Galole Said Hiribae iyo Hamid Babusa oo ah wakiil laga soo doortay Kinakomba ayaa ugu baaqay Hay’adda Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista Waxqabadka Booliska (IPOA) inay dedejiso baaritaankeeda oo ay hubiso in caddaaladda la horkeeno askartii dishay wiilkaas.




