Xildhibaanka deegaan barlamaaneedka Kiharu ee ismaamulka Murang’a Ndindi Nyoro ayaa Isniintii sii xoojiyay dhaleeceyntiisa ku aaddan maamulka Madaxweyne William Ruto, isagoo ku eedeeyay inay “si dhakhso badan oo taxaddar la’aan ah u amaahdeen” marka loo eego maamulkii Madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta, oo ah maamul uu mar dhaleeceeyay.
Nyoro, oo ahaa guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda barlamaanka qaranka ee awoodda badan isla markaana si xooggan ugu ololeeyay maamulka Kenya Kwanza, ayaa hadlay intii lagu guda jiray daahfurka Warbixinta Hantidhawrka Dadweynaha ee ka dhacday magaalada Nairobi.
Waxaa uu sheegay in deynta sii kordheysa ee Kenya ay noqotay “khatar jirta” isagoo ka digay in dalka uu ku sii jeedo dhibaato la mid ah tan ka jirta Zambia iyo Sri Lanka.
Nyoro ayaa sheegay markii Xukuumadda Kenya Kwanza ay la wareegtay xafiiska 2022-ka, deynta dadweynaha ay ahayd qiyaastii 8.7 tirilyan, balse tan iyo markaas ay kor u kacday in ka badan 12.5 tirilyan saddex sano gudahood.
Waxaa uu tan barbar dhigay rikoorkii tobanka sano ee Uhuru, isagoo sheegay in Xukuumadii Jubilee ay amaahatay qiyaastii 1.2 tirilyan sannadkii, halka maamulka hadda jira uu celcelis ahaan u dhexeeyo 1.2 tirilyan iyo 1.25 tirilyan sannadkii, inkastoo uu xilka hayay muddo aad u gaaban.
Nyoro ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda inay ka qarisay qaar ka mid ah amaahda buugaagta rasmiga ah iyada oo loo marayo waxa uu ugu yeeray”securitisation,” taas oo uu sheegay inay tahay “dambi”.
Mr. Nyoro ayaa sidoo kale dhaleeceeyay iibinta la qorsheeyay ee 15 boqolkiiba saamiga dowladda ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom, isagoo sheegay in qiimeynta ay aad uga hooseyso mida dhabta ah.
Waxaa uu sheegay in dad aan ahayn saraakiisha dowladda ay ku lug lahaayeen gorgortanka heshiiska isagoo ku eedeeyay in shaqsiyaad qaar ay leeyaayeen dano shaqsiyeed oo ku xiran iibka saamiga dowladda.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladda ay qorsheyneyso inay sugto canshuurta guryaha, isagoo ku doodaya in tani ay dakhliga mustaqbalka ku xiri doonto amaahyo cusub iyadoo ka xoreyneysa Wasaaradda Maaliyadda mas’uuliyadda ay ku maalgelinayso qaybaha bulshada ee muhiimka ah sida waxbarashada.
Nyoro ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaannada ay xannibi doonaan qorshaha dowladda ee lagu kordhinayo khidmadaha dugsiga sare bisha Janaayo 2026-ka, isagoo ku adkeystay in tallaabadan ay dhaawici doonto waalidiinta horey ula halgamayay qiimaha sare ee nolosha.




