DHAGAYSO: Sarkaal Ka tirsan Guddiga EACC oo warbaahinta Star Faah faahin ka siiyay arrimaha musuqmaasuqa

0
39

Sarkaal sare oo ka tirsan guddiga anshaxa iyo ladagaalnka Musuqmaasuqa ee EACC oo saaka marti ku ahaa barnaamijka Hoggaanka Star ayaa inooga warbixiyay waxyaabo badan oo ku saabsan la dagaalanka Musuqmaasuqa.
Waxaa uuna dadweynaha ugu baaqay in ay soo gudbiyaan xogta rasmiga ah meelaha uu ka jiro musuqmaasuqa.

Waxaa uu sido kale Bulshada u ballan qaaday in aan la ogaan doonin qofkii soo gudbiya macluumaandka musuqmaasuqa ah xogtiisna la qarin doona.

Sarkaalka EACC ayaa ugu dambeyn sheegay in bulshada ay u baahan yihiin wacyigalin buuxda,sido kalena ay ka fiirsadaan siyaasiyiinta ay dooranayaan.

Dhinaca kale Guddiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa EACC ayaa warbixin uu soo saaray isniinta maanta ah ku sheegay in uu ka hortagay lunsashada lacag dhan Sh16.5 bilyan sannadkii maaliyadeed ee 2024/2025-ka ka dib markii ay xoojiyeen baaritaannada iyo hawlgalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Inta lagu guda jiray daahfurka warbixinta maanta EACC waxay sheegtay in lacagtaasi ay tahay tii ugu badnayd ee la soo celiyo ama la ilaaliyo sannadihii la soo dhaafay.
Madaxa Fulinta ee guddigaas Cabdi Maxamuud ayaa sheegay in Guddigu uu aqoonsaday 4,183 warbixin oo musuqmaasuq ah isla markaana uu furay baaritaanno ku saabsan 1,846 ka mid ah.