Trump oo ku dhawaaqay inay maalin weyn u tahay aduunka ka dib hishiikii dhexdhexaatina ee DRC Congo iyo Rwanda

0
35

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa martigeliyay hoggaamiyeyaasha Rwanda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) si ay u saxiixaan heshiis nabadeed oo soo afjari kara khilaafka labada dal.
In kasta oo rabshadaha dhulka ka socda aysan joogsan, Trump ayaa Khamiistii ku ammaanay heshiiska ay Mareykanka dhexdhexaadiyeen inuu yahay cutub cusub oo gobolka ah.
Heshiiska ayaa waxaa markii hore la gaaray bishii Juun. Madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi iyo dhiggiisa Rwanda Paul Kagame ayaa ku kulmay Qatar bishii Maarso, iyagoo bilaabay wadahadalladii horseeday heshiiska.
Munaasabadda Khamiistii ayaa dhameystirtay heshiiska.
Heshiiska ayaa kor u qaaday rajada laga qabo in la soo afjaro khilaafka ka jira Bariga DRC Congo.