Kenya ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo Mareykanka la saxiixda qaab dhismeedka caafimaadka ee dowladaha, taasoo calaamad u ah isbeddel weyn oo ku wajahan horumarinta ajandaha Caymiska Caafimaadka Caalamiga ah.
Tani ayaa timid ka dib markii Madaxweyne William Ruto uu Khamiistii goob joog ka ahaa saxiixa heshiiska, kaas oo ah in Dowladda Mareykanka ay maalgelin doonto 1.6 bilyan oo doolarka Mareykanka ah ama qiyaastii 207 bilyan ee shillinka dalka ah nidaamka caafimaadka waddanka shanta sano ee soo socota.
Si ka duwan heshiisyadii hore ee loo adeegsaday barnaamijyada ay deeq bixiyeyaashu hoggaaminayaan, qaab dhismeedkan cusub ayaa si toos ah u hagayaa maalgelinta Mareykanka nidaamyada Kenya, oo ay ku jiraan Maamulka Caafimaadka Bulshada (SHA), Hay’adda Caafimaadka Dijitaalka ah (DHA), Hay’adda Sahayda Caafimaadka Kenya (KEMSA), IFMIS, Wasaaradda Caafimaadka, iyo Machadka Qaran ee Caafimaadka Dadweynaha ee dhawaan la aasaasay.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka, qaabka ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo madaxbannaanida caafimaadka qaranka, la yareeyo ku tiirsanaanta deeq bixiyeyaasha, lana xoojiyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka kharashka caafimaadka.
Waxaa uu sidoo kale taageeri doonaa ballaarinta nidaamyada kormeerka qaranka iyo diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee hoos yimaada Machadka Qaran ee Caafimaadka Dadweynaha.
Inta uu safarka ku jiray, Ruto ayaa sidoo kale la kulmay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) Kristalina Georgieva si ay uga wada hadlaan abuurista fursado lagu ballaarinayo kobaca dhaqaalaha dalka.
Home Wararka Kenya Kenya iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo maalgelin caafimaad...




