Kalkaaliyeyaasha Kajiado oo ka cabanaya mushaar la’aan

0
24

In ka badan 300 oo ah kalkaaliyeyaal ka howlgalo isbitaallada ismaamulka Kajiado ayaa cabasho ka muujinaya in aan ugu yaraan 6 bilood la siin mushaaraadkooda.
Waxay intaasi ku dareen in ay ku shaqeeyaan xaalado adag oo xitaa aynan haysan caymis caafimaad.
Saraakiishan ayaa hoosta ka xarriiqay in ay ku adkaatay bixinta kirada guriyaha ay deggan yihiin iyo qarashaadka qoysaskooda.
Waxay intaasi ku dareen in ay tageen xafiiska Barasaabka Kajiado Joseph Ole Lenku si ay cabashadooda ugu gudbiyaan balse ay waayeen.
Saraakiishan caafimaadka oo la hadlay warbaahinta ayaa yidhi.
Cod- Kalkaaliyeyaasha Kajiado
Waxaa uu qorshuhu yahay in dowladda hoose ee ismaamulka Kajiado ay berri yeelato kulan degdeg ah oo arrintan ku saabsan.