Guddoomiyaha SUPKEM Xasan Ole Naado oo diiday inuu xilka iska casilo

0
392

Guddoomiyaha Golaha Sare ee Muslimiinta dalka ee (SUPKEM) Xasan Ole Naado ayaa diiday baaqyada ku aaddan iscasilaadiisa, isagoo ku adkeystay inuu si sharci ah xilka u hayo inkastoo uu cadaadis badan kala kulmayo qayb ka mid ah culimada Muslimiinta iyo siyaasiyiinta.
War saxaafadeed uu soo saaray ayuu Xasan ku difaacay xilkiisa, isagoo ku doodaya in golaha uu si buuxda ugu shaqeeyo sharciga iyo in doorashooyinka, marka la gaaro, lagu qaban doono sida ku xusan dastuurka SUPKEM.
Xasan ayaa hadaladan uga jawaabayay dhaleeceyn ku saabsan musuqmaasuqa la sheegay, maaraynta xajka, dhulka muranka dhaliyay ee Huruma iyo sheegashooyinka ah inuu hor istaagay dadaallada lagu qabanayo doorashooyin cusub. Waxaa uu ku adkeystay in eedeymaha aysan sal lahayn oo ay wadaan shakhsiyaad aan lahayn xuquuq sharci oo ku jira ururka.
Marka laga hadlayo sheegashooyinka musuqmaasuqa ee la xiriira Xajka, Xasan ayaa sheegay in SUPKEM aysan qorin xujey aysana ka faa’iideysan xajka.
Waxaa uu sharraxay in khidmadaha ay qaadaan wakiillada Xajka ee ka yimaada xujeyda oo loo gudbiyo dowladda Sacuudiga iyada oo loo marayo SUPKEM.
Sida laga soo xigtay Xasan, khidmadda adeegga 100 doolar ee SUPKEM ay ka qaado xujeyda ayaa si buuxda loogu bixiyaa taageerada caafimaadka, mutadawiciinta iyo saadka inta lagu jiro Xajka, taasoo aan meelna uga tagayn wax lunsasho ah.
Isagoo ka hadlayay dhulka muranka dhaliyay ee Huruma, Xasan ayaa sheegay in dhulkan loo qoondeeyay SUPKEM sanadkii 1982-kii iyadoo laga kireyay muddo 99 sano oo ay ku yalaan masaajid iyo iskuul.
Khilaafka ayaa sii xoogeystay bishii Oktoobar ee sanadkan ka dib markii muuqaallo CCTV ah ay soo baxeen oo muujinaya Xasan oo rasaas ku furaya dibadbaxayaal ku bannaabaxaayay xafiiskiisa hortiisa, iyagoo ku baaqay inuu is casilo, isla markaana dalbaday doorasho cusub.
Dadka dhaliila hoggaanka Ole Naado ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Abubakar Bini oo fadhigiisu yahay Eldoret, guddoomiyaha Golaha Imaamyada iyo Ducaada dalka, iyo Agaasimihii Guud ee hore ee SUPKEM Lattice Shaban, iyagoo ku baaqay doorashooyin cusub si loo soo celiyo kalsoonida dadweynaha.
Si kastaba ha ahaatee, Xasan ayaa ku adkaystay in awoodda lagu qabanayo doorashooyinka ay ku xiran tahay oo keliya Golaha Maamulka Qaranka (NGC), oo aysan ahayn shaqsiyaad ama siyaasiyiin.
Mudaaharaadyo ayaa ka dhacay xarunta dhexe ee SUPKEM horraantii bishii Sebtembar ee sanadkan 2025-ka ka dib markii la sheegay in maamul xumo iyo gacan ku haynta mas’uuliyiinta la soo xulay tan iyo 2017-kii. Lattif Ngirati Shaban ayaa sheegay in doorashooyinka dib loo dhigay sababo la xiriira caabuqii Covid-19 iyo wax isdaba marin la sheegay oo ku timid magacaabista hoggaanka ka dib 2017-kii.