Mid ka mid ah macalimiinta saxeeysay imtixaanka KJSEA ee fasallada sare ee dugsiga hoose ayaa shalay ku geeriyooday dugsiga sare ee Gabdhaha ee Machakos.
Sida laga soo xigtay Golaha Imtixaanaadka Qaranka ee (KNEC), Nicodemus Mutua Mutuku ayaa door firfircoon ka qaatay sixiidda imtixaanka KJSEA oo bilaabmya 7-dii bishan Noofambar isagoo ka tirsanaa kooxda saxeeysay warqadaha Farshaxanka Hal abuurka iyo Ciyaaraha.
Mutuku ayaa sidoo kale ahaa macallin wax ka bara dugsiga Hoose ee Nduluni ee maamul hoosaadka Makindu ee ismaamulka Makueni.
Sixidda imtixaanka KJSEA ayaa bilaabatay maalin ka dib markii ay soo damaatay qaadista imtixaanka ee 6-dii bishan November.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa hore u sheegtay in natiijooyinka imtixaannada fasallada sare ee Dugsiga Hoose la sii dayn doono 11-ka December ee sanadkan.




